Tuesday, August 12, 2025

Dilla Yaa U Sheekayn

Maanta oo taariikhdu tahay 11kii bisha August 2025 markaan maqlay geeridii naxdinta lahayd ee gabyaagii weynaa Daa'uud Cammir Diiriye*, waxan markiiba xusuustay maanso aan hore ugu xusay naxdin tan oo kale ah. Wuxu bilowgeedu ahaa:

 

Xiddigihii Dilaadee

Daadanaayey waayadan

Maantana qod baa dumay

Dabaysha igu soo furay.

 

Hase yeeshee waxa haddana markiiba naftu hollatay inaan maansadan gaaban ee soo socota aan ku xuso taariikdii Daa'uud oo ahayd mid aad u dheer oo u baahan in la urursho oo la qoro. Waxay tidhi:

 

Wuxuu daa'in qoray iyo

Geeri baan ku daynine

Daa'uud hadduu tegay

Dilla yaa u sheekayn

Yaa maaweelin dooxii


Kaftan aan la diidayn

Oo weliba duur xul ah

Oo dur iyo daabac ah

Dadku ay isku weriyaan

Yaa arar ku sii dayn

Soo dhigi daleedaha

 

Ayaa gabay da' weyn iyo

U dooyeysan geeraar

Dabaylaha dhacaayiyo

Wixii duugmay waa hore

Ama daalalay iyo

Foocaar dusheediyo

Daruuraha wixii yaal

Ayaa diirada u xidhan

Da' yartiyo carruuraha

Ayaa uga dardaar werin

Sidii xarafyo diineed

Laabta ugu daabici

 

Dulmi iyo xumaan iyo

Wixii duuma cudur jira

Ayaa diidi oo nici

Xaqa yaa ku daakiri.

 

Allow deeqsi ma ahaa

Hayin ubad ma daadsha ah

Waayeel dareenliyo

Dun xariir ah ma ahaa

 

Dugsi lagu caweeyiyo

Suugaan dayaantoo

Buugag lagu daleeyiyo

Taariikh duuban ma ahaa

 

Intaad dunida joogtiyo

Noloshii na deeqdaye

Allow daarta aakhiro

Da'santaad la heestiyo

Dirkii gacan macaan iyo

Gabayaagi dookhiyo

Tixda kugula doodiyo

Xaamud kuu damaashaad

Gacan ubax ku deeqsii

Cali Tadhase deexiyo

Qosol kugu dawaafsii

Jaamac daaro kuu gogol

 

Dadkii aad jeclayd iyo

Culimadi dilaad iyo

Duqeydaad u oydiyo

Awliyada dawaaftiyo

Nabigii la dayr noqo!

 

Bashir Goth, 11 August 2025.


*Daa'uud Cammir Diiriye wuxu aasaase, hal abuure iyo majaajilayste ka ahaa kooxdii fanka ee Bons Bras ee ka abuurantay magaalada Jubuuti sanadkii 1955 kana dhalatay kooxdii saddexaad ee Balwada. Markii dambana wuxu aasaase ka ahaa kooxdii Gacan Macaan ee fanaaniinta badan dhashay. Wuxuna ku dambeeyey deegaankii uu ku dhashay ee Dilla oo uu ka noqday beer qodaal. Wuxuna tiriyey tix aad u badan oo gabay, geeraar iyo madadaadlaba leh oo reebtay mahadhooyin iyo murti badan, Daa'uud markuu dhintay cimrigiisu wuxu ahaa boqol ku dhawaad.

Saturday, November 02, 2024

The Legacy of a Bedouin Emir

 I wrote the following poem as a tribute to the memory of the late UAE President Sheikh Zayed Bin Sultan Al Nahyan the day he died on November 2,2004. I lived many years in the UAE and watched his benevolent rule up close. This is the first time it is published on the 20th anniversary of Sheikh Zayed's death.

 

From the oasis of Al Ain

You started your march

Your dream, your vision,

Your desire for change

 

You rose from the desert

As tall, as generous

As unbending as a palm tree

Always giving, always sheltering

Standing aloft, above history and time

For all to see, how legacy is made

How seeds are sown, how life is born

 

From the desert's womb

The cradle of man

The home of Abraham, of Mosses

Of Jesus the Nazareth,

Of Mohammed the Quraishite

Of Babel's gardens

Of civilizations of yore

The home of heroism

And haunting stories

You found the secret

With a Bedouin's intuition

With nature's inspiration

That water and only water

Was the miracle of life!

 

With a vision in sight

And a will at hand

You shouldered the burden

With a solemn oath

Never will you slumber

Never will you sleep

Never your conscience

Will rest in peace

 

Until the desert, adorns its cloak

Until it lushes, with luxuriant bloom

 

Until people in love

In plenty and bounty

Under the tent of Zayed

All live in peace

All divisions must cease

 

Until all could see  

How a Bedouin Emir

Can teach the world

How leaders could reap

When promises, they keep.

 

                             - Bashir Goth, November 2, 2004.


Friday, September 13, 2024

Madaxnimoy - A song on leadership

The following song called Madaxnimoy (leadership) explains the different objectives that politicians have in seeking leadership. Addressing leadership as a person, it says: 

 O' leadership, people seek you for different reasons Some see you as a scary thing a lion’s canine and as bitter as an aloe gel, while others see you as a sweet honey to be licked. 

Some see you as fearful as the oceans' deadly waves and storms, while others see you as lush green ranges that need to be grazed. 

Some see you as a light that leads people out of the darkness, while others see you as a treasure waiting to be looted. 

Some see you as a throne, a mirrored palace and endless partying, 
while others see you as a time bomb tied to their hands waiting to explode anytime. 

Some see you as a vision to be embraced to lead the people out of darkness, while others see you as a place of entertainment and singing!



Wednesday, July 06, 2022

A Haiku for the world*

 Mankind goes high wire

Wisdom snails through the darkness

Cherry blossom in fall.

 

          ***

Children wail in school

Morality at gun point

Roses at bloodbath.

         

***

Old men lean on mics

Storms rumble on the horizon

Lilies wait to tumble.

         

***

Camels stand listless

Smoke rises from a factory

No tears from the sky.

         

***

Black bodies wash ashore

Diamonds on ivory necks

Drums beat in winter

             

***

Boats splash in water

Cheetah cubs whimper in bags

Soaring heat at dawn

 

***

Fish swims in sea slime

Dusky stars blink from the heavens

Gadgets light the earth.

 

-       Bashir Goth, June 15, 2022 written in Minneapolis, Minnesota.

 * I told my wife that I forgot to bring a book with me to read during my trip to Minnesota and she told me to write a poem about the condition of the world. Hence, this haiku was born.

https://www.poemhunter.com/member/AddNewPoem/?poemid=61898453


Friday, January 14, 2022

Koonka Ka Ogsooni

 

The first lines of this poem which have become the concluding lines “abaal kuna, abaal kaydsan, abaal kun iyo dheeraada…” came to me on Jan12, 2022 at 9:14 AM while in the bathroom in the room of my quarantine hotel, Swissotel, Al Ghurair Center, Omar Bin Al Khatab Road, Deira Dubai. Then I completed it in the morning of January 13, and  finally made the last edits in the morning of January 14.

 

Koonka ka ogsooni

 

Koronuhu markuu igu dhacee, noloshu kayrkaytay

Ee kadimada la ii oodaye, la i karaantiinay

Kaynaanka ninkii iigu yimid, ina karaameeyey

Abiidaba kun deeq buu ahaa, duni kalkaalkeede

Ee kowba gurmad ii ahaa, koonka ka ogsooni

Saxiibadii kurbadu ii gashee, koolka damin waayey

Ee alla bariga iila soo kalahay, koonka ka ogsooni

Ehelkii kabtiga iyo ducada, igula soo kooyey

Ee kaarka iyo xanuunkaygu dhibay, koonka ka ogsooni

Reerkaygii keligood cidlada, kaalintay tebayey

Ee lahaa allow kaayagow, kani ku weydaari

Ee kalka iyo laabtayda culay, koonka ka ogsooni

Korka uun kuwii iga maqlee, yeedhmo kari waayey

Ee niyadda uun allow kici lahaa, koonka ka ogsooni

Kuwii yidhi allow uu kaw yidhaa, kani na weydaarto

Ee habaarka iila soo kuudadsaday, koonka ka ogsooni

Caafimaadku waa kayd ilaah, siiyo kuu rabo e

Haddaan karinka soo dhaafo oon, orodka kaynaansho

Abaal kuna, abaal kaydsan, abaal kun iyo dheeraada

Qof waliba Kalkaan ugu hayaa, Kaalintuu galaye.

 

---Bashir Goth, January 14, 2022.

 Hoos ka dhegeyso isaga oo coda ah (listen to the audio below):

Koonka Ka Ogsooni

https://soundcloud.com/bashir-goth/koonka-ka-ogsooni-m4a

Wednesday, December 01, 2021

An Ode for the Emirates by Bashir Goth

 I wrote the following poem in 2016 but  kept it under wraps not by design by accident until I remembered it today on the 50th National Day of the United Arab  Emirates, a country in which I spent many years of my life and career. 

An Ode for the Emirates

 Let Imraul Qais, Antra and yesteryear poets

Weep on their Atlal

On their blackened hearthstones

And sing an ode for the Emirates

Forget Abbasid Baghdad and its splendors

Its poets, its goblets, and its maidens

And sing an ode for the Emirates

Leave Umayyad Damascus and its domes

Its Byzantium palaces, its Udari poets

In the distant memory

And sing an ode for the Emirates

Weep not on the ruins of Al-Andalus

And its cities of light

The arches and tapestry of Al Hamra

And fountains of Madinat Al-Zahra

And sing an ode for the Emirates

                        ***

Sing for the miracle, mythical

Meteoric rise of Abu Dhabi and Dubai

For the splendid beauty of Sharjah

For the elegance of Ajman and Umm Al Quwain

For the glory of Ras Al Khaimah and Fujairah

For the Shimmering towers adorning the sky

For the highways and overhanging bridges

Stop and gaze in amazement and awe

At Arabia’s 21st century wonder

And sing an ode for the Emirates.

                        -Bashir Goth (2nd Dec. 2016) 

 

Friday, June 05, 2020

قصيدة إقريقيا - بشيرالشيخ عمرغوث

إفريقيا

رغم القحط في الأرجاء
رغم الذل
رغم الفقر
رغم الظلام الملبد في الفيحاء
سأغني وأغني
وبسماع النغم
ستغمرني البهجة
رغم الداء

***

إفريقيا
ستولد إفريقيا الجديد
من صرخة الأطفال
من ضياع كرامة الإنسان والأمان
من فوهة البركان
ويستيقط المارد العنيد
قوياً
جاهدا
يكسر الأغلال والحديد
معلناً
الأستقلال من جديد

***

إفريقيا
هل تسمع الدفوف
والقرع في الطبول
فالشاعر المغمور
لم يغلبه الخمول
فاليوم "سوينكا"1
قد سكت الفحول
وبكرة من يؤول
فالشعر في البحور
في دربك المهجور
يكون في القبور
لم يصمت الـ " سنجور"2
والعاشق المقهور
"محمد الفيتور"3

***

وقالت لي السمراء
تعاتبني
وتنظرني
كأني صرت كالحرباء
ومن غيري تكون السمراء؟
أتهتفها
أم تمقتها
أم تروي قصة الأعداء
أكون أنا
بلا إنتماء؟
وبإسمي
حتى إسمي
أكون به من الإماء
ولغيري يكون بهاء
أين التاريخ يا بلهاء؟

***
فقلت لها
وأنا في دومة الأعياء
أيا أماه
كذا وُلدنا
كذا وُجدنا
كذا حفظنا
دورس الإملاء
أنك وحدك السوداء
وغيرك البيض والسمراء

***

فقالت
يا لها من أبناء
أُناس يحفظ الإملاء
يُدوّن الآراء
كل ما قاله السفهاء
ولا يُجيد لي إصغاء
أروي لهم أساطيري
أروج روح أفكاري
فلا فخر لأمجادي
ولا أذنٌ لآمالي
فيا ويلي من الأبناء
ويا ويلي من الإستهزاء.

                                                      بشير الشيخ عمر غوث (10 يناير 1987)

1- سوينكا : هو وولي سوينكا كاتب مسرحي شهير من نيجيريا حائز على جائزة نوبل للأداب عام 1986
2- سنجور: ليبولد سدار سينغور كان شاعرا مرموقاً وأديباً عالمياً وأول رئيس للسنغال توفي عام  2001 وكان فيلسوف نظرية الزنوجة التي كان الشاعر المرتنيكي ايميه سيزار من روادها.

3- محمد الفيتور: هو محمد الفيتوري كان شاعراً سودانيا بارزا يعد من رواد الشعر الحر الحديث وكان يلقب بشاعر أفريقيا والعروبة توفي في أبريل عام 2015