Sunday, May 09, 2010

Hadh Qaboobidaayey, Hooyo


I wrote the following song as a tribute to my mother on the occasion of the Mother's Day, 9th May 2010. My mother, Sheikha Rahma Egeh Dirir, was also my first teacher who taught me reading and writing and imbibed me on the beauty of the Somali literature and culture through her stories, lyrics and poetry that she used to tell me during my childhood. The song is also a tribute to all mothers and particularly Somali speaking mothers who can understand the meaning of the lyrics.


Waddamada adduunka intooda badan ayaa bisha May laga xusaa maalinta hooyada. Dhab ahaantii haddii Hooyada wanaageeda lagu xuso ammin kasta iyo arad kasta oo la joogaba lama gudi karo xaqeeda, hase yeeshee waxa lagama maarmaan noqotay in ay yeelato maalin gaar ah oo lagu xusuusto.

Haddaba heestan soo socota oo la yidhaahdo HOOYO waxan ku xusayaa hooyaday Sheekha Raxma Cige Dirir oo hooyonnimada ka sokow ah macallinkaygii ii bilowday Alif-Ba’da ee i bartay akhriska iyo qoraalka Quraanka iyo Afka-Carabiga, indhahayga u furtay nuurka aqoonta. Waana ababiyahaygii igu anqarisay jacaylka suugaanta iyo dhaqanka ee aan sheekooyinkeedii, halaanhalkeedii iyo tixihii ay ii dareerin jirtay yaraantii ay ii noqotay ceel wahdi ah oo aan iga maaxdumin iyo sahay aan madhanayn oo aan kaga gudbo suudiga waayaha, kana qadhaabto midhaha aan suugaanta ku curiyo.

Heesta aniga oo munaasabadda maalinta hooyada u hibaynaya hooyaday waxa la wadaaga hooyo kasta oo adduunka joogta, gaar ahaan kuwa ku hadla af-Soomaliga ee fahmaya afka ay heestu ku qoran tahay. In kasta oo ay habboonayd in heesta la dhegeysto iyada oo muusig wadata, xilliga ayaa igu simi waayey, muusiguna goortiisa ayuu iman doonaa isaga oo sida heestu u qorantahay uun u dhici doona.


Hadh Qaboobidaa, Hooyo

Dunidoo holcaysoo
Hooyo
Halasuhu wax leefay
Hooyo
Halkaad adigu joogtiyo
Hooyo
Hadh qaboobidaayey
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo.
***
Jiilaal hawaarsaday
Hooyo
Hamaddigu wax laayay
Hooyo
Goshaad igu habaysiyo
Hooyo
Hugaagii dugsoonaa
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Colaad la isku hiifiyo
Hooyo
Meel balo ka hoortay
Hooyo
Hoobeeyadaadaan
Hooyo
Hurdo nabad ku seexdaa
hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Anoo kaa hulleelaad
Hooyo
Hareertayda joogtaa
Hooyo
Dhagixii i hantaaqaba
Hooyo
Hobo' baad i leedahay
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Anoo kuba hilmaamaad
Hooyo
Laabta igu haysaa
Hooyo
Habaar iima quudhide
Hooyo
Ducaad igu hagoogtaaa
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Halyeey iyo haldhaa iyo
Hooyo
Hoodo iyo Hibaaq dhala
Hooyo
Hadba kii hafeef qaba
Hooyo
Hurdadawga saakuma
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Waan arkaa humaaggii
Hooyo
Adoo igu hadraayee
Hooyo
Hadhka iyo habeenkii
Hooyo
Waan kugu hadaaqaa
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo
***
Eebbeheen ku hanayoo
Hooyo
Wadka maalmo kaa hay
Hooyo
Oo jannooyin hooda leh
Hooyo
Ku waar hoyga aakhiro
Hooyo
Hooyo, hooyo, hooyo
Hooooooooyo

©Bashir Goth, 09 May 2010
Email: bsogoth@yahoo.com