Friday, January 15, 2016

Afkaa Caano Lagu Qabay

Waa tix baroordiiq ah oo xusaysay geeridii Abwaan Cali Sugule Cigaal (Duncarbeed) oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta 10kii bishii kowaad sanadka 2016 lagu aasay magaalada Hargeisa 14kii Jan. 2016.


In kastoy dhul ciiriyo
Geerida carceeriyo
Dishaa wiil cimaamadan

Ama caan bixii oday
Caalim deeqa uunkiyo
Curadada odhaahdiyo
Abwaan maanso curiyoo
Ciiltira dadkiisiyo
Hooyo lagu cigaashaa
Ay tahay cir soo dumay

Colaadow sidaan qabo
Nin xabaali celisaa
Maaha wiil cadceediyo
Cali Sugule oo kale

Oo abwaanku ciid iyo
Carro tuul nin qariyoo
Cidla lagu illooboo
Aayar uun la cidhif maro
Wuu ka cidhibo dheeryahay
Ka ciraabo weyn yahay

Wuxuu heeso curiyiyo
Wuxuu erayo caan baxay
Suugaan coddoon iyo
Wuxu caano iyo malab
Ceeryoonshay baa tuban

Oo ciidda Soomaal
Inta ubad carruuriyo
Cirrolaba dul joogaan
Afkeenuna  cammiran yahay
Carrabkeenu dihin yahay
Codkiisiyo iyo dhawaqii
Carradeena hadhiyaan
Cali wuu ku nool yahay

Ceeriga dhulkeeniyo
Carrigeena Soomaal
Abwaanada ku caan baxay
Haddaan sheego dhawr ciriq
Oo Cali dad dheeraa
Cidna kaga tilmaanaa

Wuxu Cali dad dheeraa
Cidna kaga tilmaanaa

Tix u curiyay uu diray
Oon curubo soo ridin
Midhaheedu caan noqon
Caleemaysan lama arag

Wuxu Cali dad dheeraa
Cidna kaga tilmaanaa

Runta uu caddeeyoon
Ceeryaamo iyo qiiq
Cawriir la hoos gelin

Markuu ciil dareemaba
Iyadoo cillaan iyo
Calankeedi wadatoo
Cidla laga arkaayuu
Tixo ay carruurtiyo
Cawaankuba fahmaayaan
Oo haddana culays iyo
Caqli lagu abaydimay
Calcalyada xareediyo
Ciidda raacin jirayoo
Duhurkiyo caweysyada
Sida cadarka baariis
Carfi laysku marin jiray

Wuxu Cali dad dheeraa
Cidna kaga tilmaanaa

Haddaan gabayga ciiliyo
Cadho lagu bogsiinayn
Ama maalin ciidoo
Carcaraaf xun loo maray
Aan lagu cimaamadin

Ama caashaq iyo lool
Dhallinyaro u ciidmayn
Hiddo iyo ciyaar iyo
Cashar aanu noqonayan
Weligiiba uma curin
Inu cuud ku raadsado
Casho maanso uma tirin

Canaan iyo tus mooyee
Madax inu u ciidmuu
Been ugu cidaadaa
Caadadiisa ma ahayn
Weligii cod quudheed
Carrabkiisu muu odhan

Wuxu Cali dad dheeraa
Cidna kaga tilmaanaa

Hal abuur wax curiyoo
Inta gabay cisaysaa
Ka cibaaro qaatiyo
Caynaanka maansada
Iyo wuxu ahaa calan

Cawo dhalad ilaahay
Dadkeenaw ugu ciidmiyo
Caroogii afkeenee
Cudurada qalaad iyo
Cayayaanka dhawrtiyo
Ka ilaashay ceebtee
Kuushiyo cabbaadhkiyo
Cunaabida u soo xidhay

Caliyow cirrooliyo
Carruurta iyo dumarkiyo
Cidda iyo dhirtii iyo
Ciiddaad u oydeed
Ilaa calan sudhkii iyo
Maantoy cid kale tahay
Ood  cidhib xumaantiyo
Ciilkeeda dibadaha 
Cidlada ugu dhimataa
Ciidho kuugu ooyee
Aakhiro ku cadho beel
Carfi iyo wanaag iyo
Cisi lagugu sooryee
Afkaa caano lagu qabay
-         ©Bashir Goth, 14th Jan. 2016.







Waraysi ka baxay VOA oo ka hadlaya Suugaantii Cali Sugule



Abwaan Cali Sugulle ayaa sugaantiisi ay ahayd mid qota dheer, sida uu VOA-da ugu warramay Bashiir Sheekh Cumar Good oo ah aqoonyahan u kuur gala suugaanta Soomaaliyeed, qoraalna ka sameeyay sugaanta Cali Sugulle. Xuseen Barre ayaa khadka tilifoonka ee magaaladan Washington ku warreystay.