Sunday, January 03, 2010

Ha Iga Ooyine Aamu(Waa hees ay cod qiiro leh inagu soo gaadhsiinayso Ubax-Fahmo)
By Bashir Goth

Curashadii sannadkii 2008 markii caalamku u damaashaadayey soo dhaweynta sannadka cusub, waxan anigu xusuustay dadka Soomaaliyeedna ku booriyey in marka ay carruurtooda la dabaaldegayaan xusuustaan waxa dhib, dhiilo iyo ciil haysta carruurta iyo hooyooyinka dalkeenii, gaar ahaana magaalada Muqdisho, anigoo sannadkaa ku salaamay hees aan ku curiyey afka Ingiriisida oo la yidhaahdo “Spare A Moment”. Haddaba maanta oo la soo dhaweynaayo sannadka cusub ee 2010-ka waxan ognahay hoogga iyo dhiilada haysata dadkeena, gaar ahaan hooyooyinka iyo ubadkooda. Waxaa murgo leh in aanu xilliguba dhaqaaqin oo aad mooddo in uu meel tuban yahay sida aan gabay hore ugu idhi: “Afrikaay dhagax dixeed, miyaad sidii dheri jajabay, duleedka u dhooban tahay, waqtigu ku dul dhereran yahay…” Waxaana cad in Afrika, gaar ahaana dadka Soomaaliyeed, aanay u kala sokeyn gu’s curtay iyo mid gabbalsaday, oo ay ka indho saabtay dhibta abiidada ah ee dul dhereran. Waxa la yaab leh in hoogga iyo hiisha aan ku sheegay gabaygaygii “Sooyaal” oo aan tiriyey muddo hadda laga joogo 27 sanadood oo aan ku salaamay sannadkii 1983 uu weli run yahay oo ay saxariirtu Afrika la ehelowdayn. Erayada gabayga ku jiray waxa ka mid ahaa:

“…Nin madoobi samirkiyo ,

Silicuu ku noolyahay,

Mar haddaanu suulayn

New Yearka sannadkee

Loo sacab tumaayiyo

Kii suulayee tegay

Uma kala sokeeyaan

Dhammaan waa u saxariir

Adduunkana sadkiisii

Rag baa uga sarreeyoo

Mawdkuun buu ku sugayaa…” (Sooyaal, Jan. 1, 1983)

Haddaba heestan soo socta oo iyadna aan ku suntayo curashada 2010 waxan ku xusayaa ba’a iyo balanbalka haysta hooyooyinka dalkeena, gaar ahaana meelaha dagaalka indho la’aanta iyo naxariis darrada ahi ka socodo ee ay kow ka tahay magaalada Muqdisho. Tixdu waa hees carruureed ay hooyo ku abaabaynayso wiilkeeda yar ee ay gosha ku hayso, uguna werinayso wixii hoog dhacay, isla markaana ugu ducaynayso uguna halaanhalayso himilada ay u filayso oo ah in xilligu isbedeli doono oo uu waxbarasho heli doono kuwa dembiyada galayna isagu maxkamad uu xeer ilaaliye ka yahay uu soo taagi doono dabadeedna gabadh qurux badan uu aroosan doono oo aqal weyn ku ladi doono. Waxan soo dhaweynayaa ciddii jeclaysata in heestan muusig la raaciyo oo video-clip laga sameeyo.

Ha iga ooyine aamu

Arli baynu lahayn

Shanta maalal adduun

Rabbi noogu alkumay

Ummad baynu ahayn

Amran oo la yaqaan

Abtirsiimo islaam

Iyo reer Afrikaan

Ku adduun jiratoo

Adyad la’aan dhaqantoo

Ashahaada taqaan



Kaan dalkeenii idlaa

Ehelkeenii dhammaan

Aan ka eeganayee

Uunka iigu hadhow

Ha iga ooyine aamu

Read More (sii akhri) Awdalpress.

No comments:

Post a Comment