Sunday, May 11, 2003

A message from Cumar Carte Qalib
RIYADH, 10 MAY 2003 (Kulmiye)--Anigoo ah Cumar Carte Qalib Waxaan aad iyo aad ugu mahad calinayaa Family ga BBC London ee laanta afsoomaaliga ah sida sharafta leh iyo gobanimoda ay uga qayb qaateen warbixinta doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisii horena waxaan leeyahay walaalayaal amaanaka iyo hantida qaranka aanu ilaalino, Wanaaga umadana aanu ilaalino xukunkana si sharaf iyo qiimo wanaagsan leh u wareejiya marka la idinku xukumo, waayo maanta midhihii halganka iyo midhihii wadankeena aanu ku beernay waanu aragnaaye hanaga daadinina.

Walaal Riyaaloow In door ah ayaad marxuumkii lasoo shaqaysee khaatumada ha xumeyn, hadii food lagu dheeraadayna lawadaag walaalahaa shaqada wakhti culus ayaa lamarayaaye. Musuq maasiqa iyo talo xumadana walaal Riyaale dadku madaxdooda waligood way ku xaman jireen ee taana naga ilaali, kursi jacayl yaanu ku qaadin iyo sahan xumadana iska ilaali, gogoshana walaalahaaga kaa helay foodka u sii xaadh oo umada runta u sheeg.

Madaxweyne Riyaale waa nin masuuliyada si wacan u soo hayay, waa nin isna si weyn uga qayb qaatay wadanka xukunkiisa intii marxuunkii noolaa, hadana hadii ay timi inuu wareejiyo xukunka oo uu cidii kaga xaqsanayd uu u dhiibo waxaan leeyahay haku gacansaydhin Madaxweyne ee xilka wareeji.

Komishaanka doorashooyinkana waxaan leeyahay “beeni raad ma leh” oo wixii la qariyo horay soomaali u tidhi qudhunbaa ku jira. Markaa bal walaalayaal waxaad geysateen maanta eega, bal sidii la idiinku han weynaa iyo sida imika socota bal eega, horaan idiinka aamusaye imika aamusi maayo. Horaad aniga ii khaladeen oo aan liqay laakiin maanta nin jira oo umada wax u qaban kara ka aamusimaayo.

Somaliland asaas iyo qiimo ayay ku dhisneyd ee yaan la baabi’in, umadu yaanay qaybsamin oo xaqa ha laysku raaco.

Siilaanyo waa nin ruug cadaa ah, oo khibrad iyo macrifad leh, waa nin aan ku kalsoonahay oo aan u hanweynahay, waa nin tacliin iyo aftahan leh markaa yaan la dulmin ee xaqa muujiya. MORE

No comments:

Post a Comment