Friday, December 20, 2002

Natiijadii rasmiga ahayd ee Doorashooyinka Dawaladdaha Hoose ee Gobolka Saaxil.
Berbera (Jam)- Natiijadii codbixinta doorashada goleyaasha degaanka ee degmooyinka gobolka Saaxil, ayaa shalay la soo saaray. Gobolka oo guud ahaan laga dhiibtay 26945 cod oo u kala baxa: DEGMADA BERBERA 21922 cod
DEGMADA SHEEKH 5023 cod. Degmada Berbera xisbiyadu waxay kala qaataan:UDUB 10877 COD 49.6%, KULMIYE 4539 COD 20.7% , UCID 2292 COD 10.5% , ASAD 1819 COD 8.3% , SAHAN 1332 COD 6% ,HORMOOD 1063 COD 5%.

DEGMADASHEEKH: UDUB 2329 COD 46.4%, KULMIYE 770 COD 15.3%, UCID 722 COD 14.4%, SAHAN 614 COD 12.2%,
ASAD 462 COD 9.2% , HARMOOD 126 COD 2.5% .



No comments:

Post a Comment