Thursday, September 04, 2025

Madihii Nebigeena

 Waa maanso si kooban u soo gudbinaysa siiradii Nebigeena Muxamad (CSWS).


Bismilaahiyo diinta 

Barakadi nebigeena


 Sallallaahu Caleyhi

 Wa Calaa Ahlu Beyti


Dunidoo mugdi joogta

Habeen magan gooyo


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Nuurkii mudh la siiyey

Mako nooga iftiimay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kuwii ku mormaayey

Xumaanta maleegay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Habeen mulkigooga 

Mawluhu ka wareejay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Maxammed nebigeenu

Adduun ka mudnaaday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Aaminow murugeysan

Guululu ugu miciinay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Miyirkiisiyo maanka 

Xumaan laga maydhay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Qalbigiisa muraayad

Malaa’iigtu ka yeeshay

Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Awowgii u maleeyey

Markuu aabbihi waayey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Adeerkii midigtiisa

Madaxiisa ku qaaday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Maahugeega Khadiiji

Mulkisiisay nafteeda


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Isagoo miyir qaadan

Malkadii Xira jooga


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


U macbuudku Quraanka

Madaxiisa u dhiibay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Jibriil uu macnihiisa 

Xarfihiisa u miiqay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Madadaaliyo sheeko

Murti loogu dhammeeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Aadamaha maskaxdiisa 

Iyo maankaba deeqay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kii muftaaxa adduunka 

Mu’miniinta u dhiibay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Caqligii miridhaystay

Daxalkii ka madiiday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kii Qureyshti mormeysay

Xikmadoodi malaasay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kii Quraanka muggiisa

Ku muquunshay garaadka


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Muluugti Furus joogtay

Kuwii ROOM miciyaystay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Dulmiga iyo maroorka

Dadka miidha ku haystay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Inan mawdba helaynin

Ilaaha isku maleeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Cabsi Eebbe ku miisay

Qalbigooga majiirtay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Intaanu muruq saarin 

Miyirkoogu gariiray


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Markay ciilka Qurayshi

U maleegtay xumaanta 


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Hormuudkii muslimiinta 

Xabasha u magan geeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kii habeen minankiisa

Looga dheelmiyey meel fog


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Jibriil uu martiqaadka 

Uga keenay macbuudka


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Maqdas kii nebiyow dhan

Madal loogu casuumay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Malakuutka sarreeya

Malaa’iigtu u raacday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kadartii muntahaadna

Jibriil uu kaga maagay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Markuu eegay xaggiisa

Uu miciinsi ka doonay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Madashaasi ma dhaafno

Hadal uu ugu moosay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kolkii uu ka maleegtay

Malkadii sare gaadhay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kursiga iyo maqaamku 

U bayaan ugu muuqday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Si aan aadami moodin

Maskaxdeenu kasaynin 


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Indhihiisa muggooda

Ugu eegay macbuudka 


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Macaankeediyo dhuuxa 

Iyo diinta mucdeeda


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Shanta moose salaadka

Udbaha ugu milgeeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Qof intuu is malmalaayo

Isagoon ka maqnaynba


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Muftaaxeeda adduunyo

Iyo maadhka dambeeya


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Midigtiisa ku haysta

U ka toosay manaamka


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kufaartii madaxoodu

Dhegahoogu malaasmay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Markuu maaro u waayey

Madiina uga hijrooday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Xaqa iyo maroorka

Dagaalkii kala moosay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Badar kii magaciisa 

Guusha loogu madkeeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Markuu waayyo mildhaamay

Sannadow muhanaayey 


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Makadii lagu miidhay

Ku magoolay wanaagga


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Maalintii Rabbi doortay

Markuu mawdku dhowaaday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Muslinka ugu dardaarmay

Magansiiyey Quraanka


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Mayalkeediyo diinta

Madihii nebigeena


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Qofkii miigani toosan

Micida ugu qaniina


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Inay mawjadi qaaddo

Mir habeen ku asqoobo


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Magaciisu habaabo 

Milmo loogama yaabo


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Bismilaahiyo diinta 

Barakadi nebigeena


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Qasiidadan waxa tiriyey: 

Bashir Sheekh Cumar Good ( Bashir Goth) October 2002.