Tuesday, August 12, 2025

Dilla Yaa U Sheekayn

Maanta oo taariikhdu tahay 11kii bisha August 2025 markaan maqlay geeridii naxdinta lahayd ee gabyaagii weynaa Daa'uud Cammir Diiriye*, waxan markiiba xusuustay maanso aan hore ugu xusay naxdin tan oo kale ah. Wuxu bilowgeedu ahaa:

 

Xiddigihii Dilaadee

Daadanaayey waayadan

Maantana qod baa dumay

Dabaysha igu soo furay.

 

Hase yeeshee waxa haddana markiiba naftu hollatay inaan maansadan gaaban ee soo socota aan ku xuso taariikdii Daa'uud oo ahayd mid aad u dheer oo u baahan in la urursho oo la qoro. Waxay tidhi:

 

Wuxuu daa'in qoray iyo

Geeri baan ku daynine

Daa'uud hadduu tegay

Dilla yaa u sheekayn

Yaa maaweelin dooxii


Kaftan aan la diidayn

Oo weliba duur xul ah

Oo dur iyo daabac ah

Dadku ay isku weriyaan

Yaa arar ku sii dayn

Soo dhigi daleedaha

 

Ayaa gabay da' weyn iyo

U dooyeysan geeraar

Dabaylaha dhacaayiyo

Wixii duugmay waa hore

Ama daalalay iyo

Foocaar dusheediyo

Daruuraha wixii yaal

Ayaa diirada u xidhan

Da' yartiyo carruuraha

Ayaa uga dardaar werin

Sidii xarafyo diineed

Laabta ugu daabici

 

Dulmi iyo xumaan iyo

Wixii duuma cudur jira

Ayaa diidi oo nici

Xaqa yaa ku daakiri.

 

Allow deeqsi ma ahaa

Hayin ubad ma daadsha ah

Waayeel dareenliyo

Dun xariir ah ma ahaa

 

Dugsi lagu caweeyiyo

Suugaan dayaantoo

Buugag lagu daleeyiyo

Taariikh duuban ma ahaa

 

Intaad dunida joogtiyo

Noloshii na deeqdaye

Allow daarta aakhiro

Da'santaad la heestiyo

Dirkii gacan macaan iyo

Gabayaagi dookhiyo

Tixda kugula doodiyo

Xaamud kuu damaashaad

Gacan ubax ku deeqsii

Cali Tadhase deexiyo

Qosol kugu dawaafsii

Jaamac daaro kuu gogol

 

Dadkii aad jeclayd iyo

Culimadi dilaad iyo

Duqeydaad u oydiyo

Awliyada dawaaftiyo

Nabigii la dayr noqo!

 

Bashir Goth, 11 August 2025.


*Daa'uud Cammir Diiriye wuxu aasaase, hal abuure iyo majaajilayste ka ahaa kooxdii fanka ee Bons Bras ee ka abuurantay magaalada Jubuuti sanadkii 1955 kana dhalatay kooxdii saddexaad ee Balwada. Markii dambana wuxu aasaase ka ahaa kooxdii Gacan Macaan ee fanaaniinta badan dhashay. Wuxuna ku dambeeyey deegaankii uu ku dhashay ee Dilla oo uu ka noqday beer qodaal. Wuxuna tiriyey tix aad u badan oo gabay, geeraar iyo madadaadlaba leh oo reebtay mahadhooyin iyo murti badan, Daa'uud markuu dhintay cimrigiisu wuxu ahaa boqol ku dhawaad.