Thursday, October 20, 2016

African women have nothing to worry about Buhari’s insensitive comments by Bashir Goth


Nigerian President Buhari’s deplorable comments about his wife only serve as a poor reflection of his ego — they do not take anything away from women’s exemplary contribution to the continent’s history and legacy

At a time when issues of sexual harassment and women’s rights dominate the narrative of the United States presidential race, it was unfortunate for an African leader of the most populous, most ethnically diverse and most culturally rich country in the continent to insult his wife and in fact all African women before the whole world.

“I don’t know which party my wife belongs to, but she belongs to my kitchen and my living room and the other room,” said President Muhammadu Buhari of Nigeria, in response to his wife Aisha Buhari’s criticism of his government’s performance.

Read more on Gulf News

Wednesday, October 19, 2016

Waddani ma dumin doonaa dayrka Baarliin ee ku guban dadka Gabooye? by Bashir Goth



Waayadan waxa muuqata in dabaaldeg iyo damaashaad badani u dhacayo xisbiga Waddani oo u eg xisbi sal balaadhan oo dad badani hiigsigooda dawladnimo,hankooda siyaasadeed, iyo himilo horumarba ka dhex arkayaan.

Xisbi walibana marka shirweynihiisa iyo ololihiisa lagu jiro wuu fadalo cad yahay. Waa loo shuumaa, loo sahan tagaa,  iyada oo qof walba ka dhex raadinayo dantiisa oo ay u badan tahay cadaalad oo aad moodo in ay noqotay wax sida cawdalgasiirka uun la maqlo laakiin aan cidina ogeyn meesha ay taalo. 

Haddaba bulhanka iyo guulaanka waxa had iyo jeer lagu iloobaa oo indhuhu ka dul boodaan meelaha iyo dadyowga u baahan in diirada la saaro oo ahmiyad gaara la siiyo, waxana lagu mashquulaa arrimo cid walba ogtahay oo daleeda yaalay.

Waxana la illoobaa qaar badan oo aan mudan in diirada la saaro. Arrimahaa aniga ra’yigayga waxa ugu mudan xaalka dadka Gabooyaha oo waayahooga iyo caddaalad darrida haysataa ay tahay mid cid walba ka dheregsantahay.

Haddaba Xisbiga Waddani waxa ugu weyn ee uu kuwa kale kaga duwanaan karaa, ummadda  iyo caalamkabana indhahooga ku soo jiidan karaa waa sida uu ka yeelo dadka Gabooyaha oo uu saami miisaan leh ka siiyaa kuraasta xisbiga, gaar ahaan madaxda xisbiga. 

Waddani weli dawlad maaha, laakiin berri buu dawlad noqon karaa haddii uu guulaysto, markaa go’aamada shirweynihiisa ka soo baxaa waxay muraayad u noqonayaan dawladda uu dhisi doono.

Arrinta ugu weyn ee lagu qiyaasi doonaana waa in uu jeexo waddo cusub oo cadaaladeed iyo in kale. Waxana kow ka noqon doonta sida uu ula dhaqmo arrinta dadka Gabooye. Waa ma noqon doonaa xisbigii jabiyey gidaarkii Baarliin ee ku gudbanaa dadka Gabooyaha, kana hor taagnaa in ay helaan xuquuqdooda muwaadinimo.

Tolow ma la arki doonaa reeraha Gabooye oo Waddani ugu heesa: “Cambar daatiyo, ciil nin kugu sugay, ood u curataa, cawo badanaa.” Way dhici kartaa hadday cadaalad ka helaan Waddani. Haddaba reer Waddaniyow maanta ayey jano dagataye, ha il duufina.