The first lines of this poem
which have become the concluding lines “abaal kuna, abaal kaydsan, abaal kun iyo
dheeraada…” came to me on Jan12, 2022 at 9:14 AM while in the bathroom in the
room of my quarantine hotel, Swissotel, Al Ghurair Center, Omar Bin Al Khatab
Road, Deira Dubai. Then I completed it in the morning of January 13, and finally made the last edits in the morning of
January 14.
Koonka ka ogsooni
Koronuhu markuu igu dhacee, noloshu
kayrkaytay
Ee kadimada la ii oodaye, la i
karaantiinay
Kaynaanka ninkii iigu yimid, ina
karaameeyey
Abiidaba kun deeq buu ahaa,
duni kalkaalkeede
Ee kowba gurmad ii ahaa, koonka
ka ogsooni
Saxiibadii kurbadu ii gashee, koolka
damin waayey
Ee alla bariga iila soo
kalahay, koonka ka ogsooni
Ehelkii kabtiga iyo ducada,
igula soo kooyey
Ee kaarka iyo xanuunkaygu
dhibay, koonka ka ogsooni
Reerkaygii keligood cidlada, kaalintay
tebayey
Ee lahaa allow kaayagow, kani ku
weydaari
Ee kalka iyo laabtayda culay,
koonka ka ogsooni
Korka uun kuwii iga maqlee,
yeedhmo kari waayey
Ee niyadda uun allow kici lahaa,
koonka ka ogsooni
Kuwii yidhi allow uu kaw
yidhaa, kani na weydaarto
Ee habaarka iila soo
kuudadsaday, koonka ka ogsooni
Caafimaadku waa kayd ilaah, siiyo
kuu rabo e
Haddaan karinka soo dhaafo
oon, orodka kaynaansho
Abaal kuna, abaal kaydsan, abaal
kun iyo dheeraada
Qof waliba Kalkaan ugu hayaa, Kaalintuu
galaye.
---Bashir Goth, January 14, 2022.