Tuesday, November 24, 2015

Daruuraha Dhuub Ku Xidho - A Somali poem by Bashir Goth


Maansadani waxa igu dhaliyey tix gaaban oo uu tiriyey ardday ku jira Jaamacadda Cammuud oo aniga igu soo hal qabsaday. Tixdaa oo uu ugu magac daray “Dushaad Bare Iiga Tahay “ oo warbaahinta lagu soo gudbiyey 7th Nov. 2015 waxay igu dhalisay dareen weyn oo waxan u qaatay in uu wiilku iga codsanayo in aan waayaha caloolyowga badan ee dalka Soomaaliyeed ku jiro aan gabay kaga soo hadlo oo aan isaga iyo da’diisaba aan waayo aragnimo, talo, iyo dardaaranba u soo gudbiyo. Markaa waajib ayey noqotay in aan ka jawaabo tixdii uu baahiyey ardaygaa magaciisa la yidhaahdo Mustafa Barkhad Cabdillaahi “Dhibmiil”. 

(Listen the audio here - Halkan ka dhegeyso gabayga oo cod ah)

Daruuraha Dhuub Ku Xidho

Dhiimbiilow dararsigii
Adeer daandaansigii
Arartaad soo dirteed
Daalalaydiyo xadhkaha
Dawlaabta Awdalpress
Ku daabacday baan heloo
Dushaad bare iiga tahay
Dareen bay igu riddoo
Dacwad weeyaan abyoon.

Anna dooddayda hoo
Sidii oday doorranoo
Dooyeystay lagu yiqiin
Dabuub waayeel guddoon.

In uu dalku qaawan yahay
In uu dadku ooman yahay
In uu qarankii dalwaday
Ubadku daranyeysan yahay
Inaan duunyiyo dugaag
Deegaankii ciiri jiray
Dabaggaalana ku hadhin
Dubkii dhoobadu qalalay
Duufaanka inagu habsaday
Wixii dumay waan ogahay.

Ayaamuhu waa dumaal
Gugii dooggii la helay
Jiilaal daran baa ku xiga;

Labaatan gu’ waa dorraad
Taariikhaha duugmay iyo
Wixii duul hore rogmaday
Wixii dibindaabyo iyo
Dunbaaburo la isku dhigay
Wixii la dun gooyey reer
Wixii dhacay beri dureed
Qaar  baa diifteeda sida.

Duruufaha maanta jira
Dilka iyo dakharrada ku yaal
Dalkeena ka muuqda ceeb
Dunidu way soo martoo
Ma aha doog iyo xanuun
Aan cidi daawayn karayn.

Dadaal uun bay rabtaa
Dad foojigan bay rabtaa
Garaad dihin bay rabtaa
Geesiyo diriray rabtaa
Hoggaan daacaday rabtaa
Digtooni qabay rabtaa
Damiirku dhibay rabtaa
Cadawga dugsan rabtaa
Duddada seexin bay rabtaa
Dillaalin dhulkay rabtaa
Qabiil la dilay rabtaa
La daadihin bay rabtaa
Dirays xidhan bay rabtaa
Aqoon darartay rabtaa
Madhnaan duuban bay rabtaa
Fadhiidin dalkay rabtaa
Aragti durugtay rabtaa
Ummadda deeqday rabtaa
Dhallin dardarlay bay rabtaa
Dubaalad shidday rabtaa
Bilowda dal bay rabtaa
Hayaan dammaclay rabtaa
Dayaxa gaadhay rabtaa
Xukun daahiray rabtaa
Dadkoo siman bay rabtaa
Wadaag dawladay rabtaa
Samuhu daajiyey rabtaa;

Haweenkeenaa darbane
Wanaagga u duuban iyo
Dheemanteena la daday
Qof daaha ka qaada oo
Iftiin u duweey rabtaa.

Dhimbiilow dirirradiyo
Da'diinaan dhawrayaa
Inay garan daawadii
Wanaagga daryeeli layd
Dulliga baabiin lahayd
Qabiil dadafayn lahayd.

Dawgeeduna waa tacliin
Su'aal lagu doojiyoon
Ahayn sida dawliskii
Mid ceelkuun soo dartoo
Biyaha lagu daabuloo
Darkuun gaadhsiin taqaan.

Aqoonta la doonayaa
Dadkeenu u ooyayaa
Dalkeenu u ooman yahay
Maskax weeyaan digtoon
Caqligoon dayn la gelin
Dalluub oog looga shidin
Dabar geed loogu xidhin.

Diintoon sida duunyadii
Xero lagu dayran Karin
Qof gaari dareersan Karin,
Deeqdii loo wada sinaa
Dabuubtuu eebbe yidhi
Dambiil kelidii ku sidan
Garaadka dullaysan Karin
Dahaadh ku hagoogi Karin.

Damalkii lagu nastiyo
Darmadeenii wacnayd
Magacii Daa’imkeen
Daliilkaan wada jeclayn
Inaan mawd duulayiyo
Laga dhigan duub qarxoo
Maqalkiisaba la dido.

Fikirigaagoo dabrani
Darar laga maalo iyo
Ha filan inu dalag baxshaa
Ubax dildillaaciyaa
Qurux laga daawadaa.

Maskaxdu waa deeq ilaah
Haddaanay duuli Karin
Dareen xor ah sheegi Karin
Su'aal daran dhiibi Karin
Cilmigu waa kugu dambaab
Been aan nolol doorinayn
Wanaag dalandoolinayn.

Nin baa diidaya qabiil
Ku dooda inuu xun yahay
Yidhaa waa dacar qadhaadh
Markaan loo darin habeen!
Markuu diirtana dugsada
Dibnaha leefoo dikriya
Yidhaa waa dawlad tani
Allow reerkayow ku daa
Ninkii dulman yeelkadii.!

Tixdani dawankiyo warka ah
Waxaan dooddani ku xidhay
Waxan deeq kaaga dhigay  
Dardaaranna kaaga tegay;

Nin keli doolaalayaa
Dantiisa gorfaynayaa
Yaanu abidkaa ku diran,
Wuxuu caqli diiddan yahay
Yaanay cidi kugu dirqiyin
Xaqoo loo daakiriyo
Caddaaladoo loo dib jiro
Dadkoon kala sooc lahayn
Danyartaan kugu ogahay.

Markay wada doobiyaan
Markay duub wada xidhaan
Qabiil u dubaaxiyaan
Aduu damal dheer ka fuul
Intay dambas baadhayaan
Daruuraha dhuub  ku xidho.

Dulucdaan kuu akhriyey
Duruustaan kuu xaddilay
Duxdiyo dhuuxeeda garo
La deris saaxiibadaa
Dhammaan doobiga u dhiib
Guuxeegu ha sii dalwado
Ninkii duda yeelkadii.

Hadday kaa didisa oo
Arartu ku daalisana
Yaanay fool daabanine
Saaxiibkaygii durduro
Duqii gabaygiyo murtida
Xaddaa daadihin yaqaan
Markay duudaha gashoo
Yaqaan dabinkaan dhigee
Ha kala daadshee u gee.

Adna daabkeeda qabo
Gaadhsii dirirkiyo laxaha
Dadaal baan kugu ogahay
Ducana waan kuugu daray.

-          Bashir Goth, 13th Nov. 2015



Maansadii Dushaad Bare  Iiga Tahay by Abwaan Mustafe Dhimbiil

Waxan ka mid ahay ardayda dhigata Jaamacadda Camuud ee Gobolka Awdal. Waxan halkan ku soo gudbinayaa maanso la magac baxday Dushaad Bare Iiga Tahay oo aan u tiriyey Abwaan Bashiir Sheekh Cumar Goth (7th Nov. 2015 –Awdalpress)

Iga Guddoon Maansada:

Dareen baa igu jiroo
Waxan dirayaa hadyade
Abwaan lagu soo daydiyo
Ma ihi gabayaa da’ weyn
Ha yeeshee waxaa dirqiya
Inaan geeraar daldalo

Dabaylaha wada socdiyo
Duruufaha maanta jira
Markaan daba dhoon u ahay
Bashiirow gabay duxloo
Soomaalidu daawatoo
Taariikh daabkiisu yahay
Aqoon dabarkiisu yahay
Arar laga daalin iyo
Halhays duubkiisu yahay

Adaa noo soo diroo
Waxan kaa daalacdaa
Tiifiiyada dananayoo
Tixraac aan daba socdoo
Murtida kala soo degoo
Maansda ku dalllaandalshiyo
Dushaad bare iiga tahay
Dubaaqa ku hay adeer
Intaad nooshahay dunida
Darajaan kugu ogahay
Suugaantana noo daryeel
            -Mustafe Barkhad Cabdillaahi (Dhimbiil).