Thursday, December 19, 2002

Natiijadii Codbixinta Doorashadii Deegaanka ee Gobolka Awdal oo lagu dhawaaqay
BORAMA, 19 DEC 2002--Mr. Axmed Aadan Cali (Goodir), oo ah xubin ka tirsan koomishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka hawlgalay gobolka Awdal ayaa Wargeyska Jamhuuriya soo gaadhsiiyey qoraal shax ah oo muujinaya natiijada codadka lixda urur siyaasadeed ee ku tartamayey doorashada ay ka kala heleen gobolka Awdal.

Tiradda Guud ee Gobolka Awdal ka codeysay ayaa ah 100,495(Boqol Kun Afar Boqol iyo Shan iyo Sagaashan )cod.

Waxana tirada guud ee codadka ururadu ka heleen gobolka Awdal ay kala yihiin sidan:-
UDUB-58,939 - 58.56%, KULMIYE 13,679-13.61%, ASAD8,727 - 8.68%,UCID 7,422 - 7.39%, HORMOOD 7,229 - 7.19%, SAHAN 4,499 - 4.49%.

No comments:

Post a Comment