Thursday, September 04, 2025

Madihii Nebigeena

 Waa maanso si kooban u soo gudbinaysa siiradii Nebigeena Muxamad (CSWS).


Bismilaahiyo diinta 

Barakadi nebigeena


 Sallallaahu Caleyhi

 Wa Calaa Ahlu Beyti


Dunidoo mugdi joogta

Habeen magan gooyo


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Nuurkii mudh la siiyey

Mako nooga iftiimay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kuwii ku mormaayey

Xumaanta maleegay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Habeen mulkigooga 

Mawluhu ka wareejay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Maxammed nebigeenu

Adduun ka mudnaaday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Aaminow murugeysan

Guululu ugu miciinay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Miyirkiisiyo maanka 

Xumaan laga maydhay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Qalbigiisa muraayad

Malaa’iigtu ka yeeshay

Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Awowgii u maleeyey

Markuu aabbihi waayey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Adeerkii midigtiisa

Madaxiisa ku qaaday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Maahugeega Khadiiji

Mulkisiisay nafteeda


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Isagoo miyir qaadan

Malkadii Xira jooga


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


U macbuudku Quraanka

Madaxiisa u dhiibay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Jibriil uu macnihiisa 

Xarfihiisa u miiqay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Madadaaliyo sheeko

Murti loogu dhammeeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Aadamaha maskaxdiisa 

Iyo maankaba deeqay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kii muftaaxa adduunka 

Mu’miniinta u dhiibay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Caqligii miridhaystay

Daxalkii ka madiiday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kii Qureyshti mormeysay

Xikmadoodi malaasay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kii Quraanka muggiisa

Ku muquunshay garaadka


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Muluugti Furus joogtay

Kuwii ROOM miciyaystay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Dulmiga iyo maroorka

Dadka miidha ku haystay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Inan mawdba helaynin

Ilaaha isku maleeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Cabsi Eebbe ku miisay

Qalbigooga majiirtay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Intaanu muruq saarin 

Miyirkoogu gariiray


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Markay ciilka Qurayshi

U maleegtay xumaanta 


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Hormuudkii muslimiinta 

Xabasha u magan geeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kii habeen minankiisa

Looga dheelmiyey meel fog


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Jibriil uu martiqaadka 

Uga keenay macbuudka


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Maqdas kii nebiyow dhan

Madal loogu casuumay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Malakuutka sarreeya

Malaa’iigtu u raacday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kadartii muntahaadna

Jibriil uu kaga maagay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Markuu eegay xaggiisa

Uu miciinsi ka doonay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Madashaasi ma dhaafno

Hadal uu ugu moosay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kolkii uu ka maleegtay

Malkadii sare gaadhay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kursiga iyo maqaamku 

U bayaan ugu muuqday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Si aan aadami moodin

Maskaxdeenu kasaynin 


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Indhihiisa muggooda

Ugu eegay macbuudka 


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Macaankeediyo dhuuxa 

Iyo diinta mucdeeda


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Shanta moose salaadka

Udbaha ugu milgeeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Qof intuu is malmalaayo

Isagoon ka maqnaynba


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Muftaaxeeda adduunyo

Iyo maadhka dambeeya


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Midigtiisa ku haysta

U ka toosay manaamka


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Kufaartii madaxoodu

Dhegahoogu malaasmay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Markuu maaro u waayey

Madiina uga hijrooday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Xaqa iyo maroorka

Dagaalkii kala moosay


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Badar kii magaciisa 

Guusha loogu madkeeyey


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Markuu waayyo mildhaamay

Sannadow muhanaayey 


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Makadii lagu miidhay

Ku magoolay wanaagga


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Maalintii Rabbi doortay

Markuu mawdku dhowaaday


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Muslinka ugu dardaarmay

Magansiiyey Quraanka


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Mayalkeediyo diinta

Madihii nebigeena


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Qofkii miigani toosan

Micida ugu qaniina


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Inay mawjadi qaaddo

Mir habeen ku asqoobo


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Magaciisu habaabo 

Milmo loogama yaabo


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Bismilaahiyo diinta 

Barakadi nebigeena


Sallallaahu Caleyhi

Wa Calaa Ahlu Beyti


Qasiidadan waxa tiriyey: 

Bashir Sheekh Cumar Good ( Bashir Goth) October 2002.


Tuesday, August 12, 2025

Dilla Yaa U Sheekayn

Maanta oo taariikhdu tahay 11kii bisha August 2025 markaan maqlay geeridii naxdinta lahayd ee gabyaagii weynaa Daa'uud Cammir Diiriye*, waxan markiiba xusuustay maanso aan hore ugu xusay naxdin tan oo kale ah. Wuxu bilowgeedu ahaa:

 

Xiddigihii Dilaadee

Daadanaayey waayadan

Maantana qod baa dumay

Dabaysha igu soo furay.

 

Hase yeeshee waxa haddana markiiba naftu hollatay inaan maansadan gaaban ee soo socota aan ku xuso taariikdii Daa'uud oo ahayd mid aad u dheer oo u baahan in la urursho oo la qoro. Waxay tidhi:

 

Wuxuu daa'in qoray iyo

Geeri baan ku daynine

Daa'uud hadduu tegay

Dilla yaa u sheekayn

Yaa maaweelin dooxii


Kaftan aan la diidayn

Oo weliba duur xul ah

Oo dur iyo daabac ah

Dadku ay isku weriyaan

Yaa arar ku sii dayn

Soo dhigi daleedaha

 

Ayaa gabay da' weyn iyo

U dooyeysan geeraar

Dabaylaha dhacaayiyo

Wixii duugmay waa hore

Ama daalalay iyo

Foocaar dusheediyo

Daruuraha wixii yaal

Ayaa diirada u xidhan

Da' yartiyo carruuraha

Ayaa uga dardaar werin

Sidii xarafyo diineed

Laabta ugu daabici

 

Dulmi iyo xumaan iyo

Wixii duuma cudur jira

Ayaa diidi oo nici

Xaqa yaa ku daakiri.

 

Allow deeqsi ma ahaa

Hayin ubad ma daadsha ah

Waayeel dareenliyo

Dun xariir ah ma ahaa

 

Dugsi lagu caweeyiyo

Suugaan dayaantoo

Buugag lagu daleeyiyo

Taariikh duuban ma ahaa

 

Intaad dunida joogtiyo

Noloshii na deeqdaye

Allow daarta aakhiro

Da'santaad la heestiyo

Dirkii gacan macaan iyo

Gabayaagi dookhiyo

Tixda kugula doodiyo

Xaamud kuu damaashaad

Gacan ubax ku deeqsii

Cali Tadhase deexiyo

Qosol kugu dawaafsii

Jaamac daaro kuu gogol

 

Dadkii aad jeclayd iyo

Culimadi dilaad iyo

Duqeydaad u oydiyo

Awliyada dawaaftiyo

Nabigii la dayr noqo!

 

Bashir Goth, 11 August 2025.


*Daa'uud Cammir Diiriye wuxu aasaase, hal abuure iyo majaajilayste ka ahaa kooxdii fanka ee Bons Bras ee ka abuurantay magaalada Jubuuti sanadkii 1955 kana dhalatay kooxdii saddexaad ee Balwada. Markii dambana wuxu aasaase ka ahaa kooxdii Gacan Macaan ee fanaaniinta badan dhashay. Wuxuna ku dambeeyey deegaankii uu ku dhashay ee Dilla oo uu ka noqday beer qodaal. Wuxuna tiriyey tix aad u badan oo gabay, geeraar iyo madadaadlaba leh oo reebtay mahadhooyin iyo murti badan, Daa'uud markuu dhintay cimrigiisu wuxu ahaa boqol ku dhawaad.

Saturday, November 02, 2024

The Legacy of a Bedouin Emir

 I wrote the following poem as a tribute to the memory of the late UAE President Sheikh Zayed Bin Sultan Al Nahyan the day he died on November 2,2004. I lived many years in the UAE and watched his benevolent rule up close. This is the first time it is published on the 20th anniversary of Sheikh Zayed's death.

 

From the oasis of Al Ain

You started your march

Your dream, your vision,

Your desire for change

 

You rose from the desert

As tall, as generous

As unbending as a palm tree

Always giving, always sheltering

Standing aloft, above history and time

For all to see, how legacy is made

How seeds are sown, how life is born

 

From the desert's womb

The cradle of man

The home of Abraham, of Mosses

Of Jesus the Nazareth,

Of Mohammed the Quraishite

Of Babel's gardens

Of civilizations of yore

The home of heroism

And haunting stories

You found the secret

With a Bedouin's intuition

With nature's inspiration

That water and only water

Was the miracle of life!

 

With a vision in sight

And a will at hand

You shouldered the burden

With a solemn oath

Never will you slumber

Never will you sleep

Never your conscience

Will rest in peace

 

Until the desert, adorns its cloak

Until it lushes, with luxuriant bloom

 

Until people in love

In plenty and bounty

Under the tent of Zayed

All live in peace

All divisions must cease

 

Until all could see  

How a Bedouin Emir

Can teach the world

How leaders could reap

When promises, they keep.

 

                             - Bashir Goth, November 2, 2004.


Friday, September 13, 2024

Madaxnimoy - A song on leadership

The following song called Madaxnimoy (leadership) explains the different objectives that politicians have in seeking leadership. Addressing leadership as a person, it says: 

 O' leadership, people seek you for different reasons Some see you as a scary thing a lion’s canine and as bitter as an aloe gel, while others see you as a sweet honey to be licked. 

Some see you as fearful as the oceans' deadly waves and storms, while others see you as lush green ranges that need to be grazed. 

Some see you as a light that leads people out of the darkness, while others see you as a treasure waiting to be looted. 

Some see you as a throne, a mirrored palace and endless partying, 
while others see you as a time bomb tied to their hands waiting to explode anytime. 

Some see you as a vision to be embraced to lead the people out of darkness, while others see you as a place of entertainment and singing!



Wednesday, July 06, 2022

A Haiku for the world*

 Mankind goes high wire

Wisdom snails through the darkness

Cherry blossom in fall.

 

          ***

Children wail in school

Morality at gun point

Roses at bloodbath.

         

***

Old men lean on mics

Storms rumble on the horizon

Lilies wait to tumble.

         

***

Camels stand listless

Smoke rises from a factory

No tears from the sky.

         

***

Black bodies wash ashore

Diamonds on ivory necks

Drums beat in winter

             

***

Boats splash in water

Cheetah cubs whimper in bags

Soaring heat at dawn

 

***

Fish swims in sea slime

Dusky stars blink from the heavens

Gadgets light the earth.

 

-       Bashir Goth, June 15, 2022 written in Minneapolis, Minnesota.

 * I told my wife that I forgot to bring a book with me to read during my trip to Minnesota and she told me to write a poem about the condition of the world. Hence, this haiku was born.

https://www.poemhunter.com/member/AddNewPoem/?poemid=61898453


Friday, January 14, 2022

Koonka Ka Ogsooni

 

The first lines of this poem which have become the concluding lines “abaal kuna, abaal kaydsan, abaal kun iyo dheeraada…” came to me on Jan12, 2022 at 9:14 AM while in the bathroom in the room of my quarantine hotel, Swissotel, Al Ghurair Center, Omar Bin Al Khatab Road, Deira Dubai. Then I completed it in the morning of January 13, and  finally made the last edits in the morning of January 14.

 

Koonka ka ogsooni

 

Koronuhu markuu igu dhacee, noloshu kayrkaytay

Ee kadimada la ii oodaye, la i karaantiinay

Kaynaanka ninkii iigu yimid, ina karaameeyey

Abiidaba kun deeq buu ahaa, duni kalkaalkeede

Ee kowba gurmad ii ahaa, koonka ka ogsooni

Saxiibadii kurbadu ii gashee, koolka damin waayey

Ee alla bariga iila soo kalahay, koonka ka ogsooni

Ehelkii kabtiga iyo ducada, igula soo kooyey

Ee kaarka iyo xanuunkaygu dhibay, koonka ka ogsooni

Reerkaygii keligood cidlada, kaalintay tebayey

Ee lahaa allow kaayagow, kani ku weydaari

Ee kalka iyo laabtayda culay, koonka ka ogsooni

Korka uun kuwii iga maqlee, yeedhmo kari waayey

Ee niyadda uun allow kici lahaa, koonka ka ogsooni

Kuwii yidhi allow uu kaw yidhaa, kani na weydaarto

Ee habaarka iila soo kuudadsaday, koonka ka ogsooni

Caafimaadku waa kayd ilaah, siiyo kuu rabo e

Haddaan karinka soo dhaafo oon, orodka kaynaansho

Abaal kuna, abaal kaydsan, abaal kun iyo dheeraada

Qof waliba Kalkaan ugu hayaa, Kaalintuu galaye.

 

---Bashir Goth, January 14, 2022.

 Hoos ka dhegeyso isaga oo coda ah (listen to the audio below):

Koonka Ka Ogsooni

https://soundcloud.com/bashir-goth/koonka-ka-ogsooni-m4a

Wednesday, December 01, 2021

An Ode for the Emirates by Bashir Goth

 I wrote the following poem in 2016 but  kept it under wraps not by design by accident until I remembered it today on the 50th National Day of the United Arab  Emirates, a country in which I spent many years of my life and career. 

An Ode for the Emirates

 Let Imraul Qais, Antra and yesteryear poets

Weep on their Atlal

On their blackened hearthstones

And sing an ode for the Emirates

Forget Abbasid Baghdad and its splendors

Its poets, its goblets, and its maidens

And sing an ode for the Emirates

Leave Umayyad Damascus and its domes

Its Byzantium palaces, its Udari poets

In the distant memory

And sing an ode for the Emirates

Weep not on the ruins of Al-Andalus

And its cities of light

The arches and tapestry of Al Hamra

And fountains of Madinat Al-Zahra

And sing an ode for the Emirates

                        ***

Sing for the miracle, mythical

Meteoric rise of Abu Dhabi and Dubai

For the splendid beauty of Sharjah

For the elegance of Ajman and Umm Al Quwain

For the glory of Ras Al Khaimah and Fujairah

For the Shimmering towers adorning the sky

For the highways and overhanging bridges

Stop and gaze in amazement and awe

At Arabia’s 21st century wonder

And sing an ode for the Emirates.

                        -Bashir Goth (2nd Dec. 2016) 

 

Friday, June 05, 2020

قصيدة إقريقيا - بشيرالشيخ عمرغوث

إفريقيا

رغم القحط في الأرجاء
رغم الذل
رغم الفقر
رغم الظلام الملبد في الفيحاء
سأغني وأغني
وبسماع النغم
ستغمرني البهجة
رغم الداء

***

إفريقيا
ستولد إفريقيا الجديد
من صرخة الأطفال
من ضياع كرامة الإنسان والأمان
من فوهة البركان
ويستيقط المارد العنيد
قوياً
جاهدا
يكسر الأغلال والحديد
معلناً
الأستقلال من جديد

***

إفريقيا
هل تسمع الدفوف
والقرع في الطبول
فالشاعر المغمور
لم يغلبه الخمول
فاليوم "سوينكا"1
قد سكت الفحول
وبكرة من يؤول
فالشعر في البحور
في دربك المهجور
يكون في القبور
لم يصمت الـ " سنجور"2
والعاشق المقهور
"محمد الفيتور"3

***

وقالت لي السمراء
تعاتبني
وتنظرني
كأني صرت كالحرباء
ومن غيري تكون السمراء؟
أتهتفها
أم تمقتها
أم تروي قصة الأعداء
أكون أنا
بلا إنتماء؟
وبإسمي
حتى إسمي
أكون به من الإماء
ولغيري يكون بهاء
أين التاريخ يا بلهاء؟

***
فقلت لها
وأنا في دومة الأعياء
أيا أماه
كذا وُلدنا
كذا وُجدنا
كذا حفظنا
دورس الإملاء
أنك وحدك السوداء
وغيرك البيض والسمراء

***

فقالت
يا لها من أبناء
أُناس يحفظ الإملاء
يُدوّن الآراء
كل ما قاله السفهاء
ولا يُجيد لي إصغاء
أروي لهم أساطيري
أروج روح أفكاري
فلا فخر لأمجادي
ولا أذنٌ لآمالي
فيا ويلي من الأبناء
ويا ويلي من الإستهزاء.

                                                      بشير الشيخ عمر غوث (10 يناير 1987)

1- سوينكا : هو وولي سوينكا كاتب مسرحي شهير من نيجيريا حائز على جائزة نوبل للأداب عام 1986
2- سنجور: ليبولد سدار سينغور كان شاعرا مرموقاً وأديباً عالمياً وأول رئيس للسنغال توفي عام  2001 وكان فيلسوف نظرية الزنوجة التي كان الشاعر المرتنيكي ايميه سيزار من روادها.

3- محمد الفيتور: هو محمد الفيتوري كان شاعراً سودانيا بارزا يعد من رواد الشعر الحر الحديث وكان يلقب بشاعر أفريقيا والعروبة توفي في أبريل عام 2015

Tuesday, April 28, 2020

Women and singing in Somali culture by Bashir Goth

Singing is not only an integral part of daily life for Somali women but also a medium through which they can express their grievances and criticise paternalistic social norms that have solidified men’s hegemony over women and limited their social participation to certain stereotyped roles. From a mother’s lullabies to work songs, folkloric dance lyrics and the famous buraanbur genre, Somali women’s sung poetry conveys messages and stories about their status in society

READ MORE

Wednesday, February 06, 2019

Bal Eeg (Gudniin ) A poem in Somali on Female Genital Mutilation with English translation



Quraanka iyo ilayska bal eeg
Waxan Eebbe ku sheegin bal eeg
Awowgaa ku dhaqmaayey bal eeg
Ayaad aayado mooddee bal eeg
Anbad baad ku jirtaaye bal eeg
Aqligaaga u fiirso bal eeg

Upon the Quran, the light, reflect
on what God said, reflect
and that which He did not say, reflect.
Reflect, if you may, and you will know it is only
but a custom, a tradition of your forefathers
that you mistook for God’s command.
Reflect, if you may, and you will know
that you indeed have lost your way
Reflect, if you may, and surely
you will return to your sound mind!

Ilaahay asturaadda bal eeg
Siduu meesha u uumay bal eeg
Inaan eediba gaadhin bal eeg
Malko loogu adkeeyey bal eeg
Arxan loogu dhammeeyey bal eeg
Asalkii nolosheena bal eeg

Upon how God protected the organ, reflect
Upon how God created it, reflect
Reflect, if you may, on how God kept it
safe from all harm
Upon how God made it Impregnable, reflect
Reflect, if you may, on how God endowed it
with all care and mercy
Upon the origin of our life, reflect.

Si aanay u asqoobin bal eeg
Ummushu uga irdhoobin bal eeg
Ilmaheeda u hiifin bal eeg
Ilaahay asmadiisa bal eeg
Elaastiigga ka yeelay bal eeg
Adna aad ku adkaysay bal eeg.

Upon how God spared the mother
From anguish and despair, reflect
on how God spared her from
resenting her offspring, reflect
Reflect, if you may, on how God shows us his signs
by fashioning the organ elastic;
Reflect, on how you insist on constricting it
and mutilating it, reflect.

Ib ilaahay baneeyey bal eeg
Inaad awddo awoodda bal eeg
Keligaa isa siisay bal eeg
Noloshii unkamaysay bal eeg
Ama tii Imanaysay bal eeg
Afaafkeeda ka oodday bal eeg

Reflect, if you may, on how God cleared the passage
And upon how audaciously you allow yourself
to close it, reflect.
Reflect, if you may, on how much power
You endow yourself with
by blocking the way to the life being conceived
and blocking the way to the life being born
O reflect on that, if you may!

Araggeegiyo nuurka bal eeg
Raxmaddaa ifka joogta bal eeg
Adna uub u qodayso bal eeg
Ubaxaa ad il duuftay bal eeg
Aynigeega dilayso bal eeg
Aqligaaga u fiirso bal eeg.

O reflect, if you may, on how glowing
how perfect she is
O reflect, if you may, on this mercy
that Heaven gifted the world
O reflect, if you may, on how  
you insist on burying her
O reflect, if you may, on that bloom
You failed to see;
O reflect, upon the grace you kill,
O reflect, if you may, and surely
you will return to your sound mind

                                    Bashir Goth, Wednesday 15th Jan. 2014.

Audio version

Monday, April 02, 2018

A Tribute to Winnie Mandela

Today, 2nd April 2018, Winnie Mandela, known as the mother of the nation during the struggle against apartheid in South Africa, the Iconic woman who held Mandela's memory up high the long years he was in prison, died at the age of 81. In 1987 at the height of South Africa's struggle, I wrote the following poem in Somali in celebration of her heroic campaign. It carried the title Amandala or power in Zulu which was Winnie's iconic defiant salute to the people. 


AMANDALA

Winniyeey habeenimo
Dabkaad hurisayee baxay
Hillaacii ka muuqdiyo
Hadawgii ka soo kacay
Hiinraagga beerkiyo
Guux halaanhalkaagii
Badda hooraheegiyo
Hirka soo jibaaxyoo
Hiirtaanyo weyniyo
Afrikada hammuuniyo
Holac weyn ku noolee

Hiyigii dalooshamay
Nabarkii hagaadee
Huuryadu ku noolayd
Soo celi hafeeftii

Himbiriirsi araggii
Heegadu dul saarnayd
Hummaaggii wax kala arag

Horaadkii qombobayee
Ilmuhu uu la huudmiyo
Hooyo naasaheegii
Haaneedki soo curay

Odayadu hillaabtii
Haaraysay dhabarkee
Qarniyaal dul hogatiyo
HAYEDII ka dootame

Hoobeeyadaadii
Carruurtii ku heestoo
Ubixii horseed noqoy

NELSON hiigsigiisii
Dayrka lagu hagoogiyo
Kuma huudmin jeelkoo
Gacantaada hodankaa
Markaad sare u hidiseed
Amandala ku heestaa
Shicibkii hongobee
Ciilkuu haleeliyo
Geeduhu hadleenoo
Dalku hooyo kaa dhigay

Anigana hammuuntii
Halgankaagu kiciyaa
Hollinaysa beerkoo
Magacaaga hiirtaan
Habeenkiyo dharaartii
Ku hammoonayaayoo

Hareeraha SOWETIYO
Hoygaaga BRADFORD
Yaan u heelanahayoo
Hambalyiyo salaaniyo
Ubax dhiig halyeey iyo
Haween gocashadoodiyo
Hadaaqii dhallaankiyo
Lagu habay xusuus baan
Kuula soo hagaagoon
Kuula soo habqamayaa.


Bashir Sh. Omer Good (Goth)
April 4, 1987