Saturday, August 28, 2010

Mr. Cukusow Wax La Qariyo Qudhun Baa Ku Jira

Bashir Goth

Sida aan ognahay waxa ay warbaahinta Somaliland fidisay digniin uu Afayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu u jeediyey saxaafadda isaga oo uga digay falanqaynta iyo faragalinta arrimaha Diinta iyo Qabiilooyinka.
Ma aha markii ugu horreysay ee Cukuse uu isticmaalo erayga “digniin”. Waxana la yaab leh nin sheeganaya Afhayeen Madaxweyne oo isticmaalaya erayga “digniin”. Haddaba, waxa habboon in uu Cukuse ogaado in aan erayga digniin aanay ku jirin xeeraka Afayeenada Madaxda. Saxaafadda digniin lama siiyo. Maxaa yeelay marka aad tidhaahdo “Waxan uga digayaa” waxa daba taalla ciqaab, waxana markaa ka dhan-dhamaya digtaatoornimo, waxana ay xambaarsan tahay “shaqo ayaan idinka qaban doonaa”, taasi oo la mid ah ul taagan. Waa car juuq haddii kale is jira. Digniini ma aha hadal ku habboon Afayeen dal dimoqraadi ah oo xaqdhawraya saxaafadda xorta ah ee aad adigu bahda ka ahaan jirtay.

Afhayeenka waxa looga fadhiya in uu erayada uu odhaanyo ka fiirsado, eray kastana eego miisaanka uu leeyahay iyo macnaha uu xambaarsan yahay. Waa in uu wax kasta magaciisa ugu yeedhaa. Taasina arrin fudud ma aha haddii ay isaga la dhib yar tahay.
Waxa jirta sheeko tidhaahda faylasuufkii Shiinaha ee la odhan jiray Konfushiyas (Confiucius) ayaa mar la weydiiyey waxa ugu horreeya ee uu qaban lahaa haddii dalka xukunkiisa loo dhiibo. In yar markuu fikiray ayuu ku jawaabay: “ Waxa ugu horreeya ee aan qaban lahaa waxa weeyi waxan sixi lahaa wax kasta magaciisa. ( I would rectify the names of things).” Ninkii su’aasha u soo jeediyey ayaa isaga oo yaaban weydiiyey: “oo arrintaasi siday xukun wanaag u keeni kartaa?” Markaas buu faylasuufkii ku jawaabay: “ Marka wax kasta magaciisu qaldan yahay, hadal caqliga gala laguma hadlo. Marka uu hadalku caqliga geli waayana waxna sida ugu habboon looma qabto. Marka waxna sida ugu habboon loo qaban waayana dhismaha bulshada ayaa dhaawacma. Marka dhismaha bulshadu dhaawacmana ciqaabta iyo dambiga ayaa is le’ekaan waaya. Marka ciqaabta iyo dambigu is le’ekaan waayaana dadku waxa ay garan waayaan wax ay sameeyaan. Ninka qummani wax kaleba ha sameeyee waa in aanu hadal aanu u meel dayin ku hadal.” Sidaas bay diinteenuna u tidhi: “ (ilaahay) Aadam wuxu baray magacda….Wa calama Aadama Al Asma’a…”

Haddaba, Cukusow waa inaad garataa in erayga kaa soo baxaa haddii aanad u meel dayin uu dhaawac gaadhsiin karo Madaxweynaha iyo dawladdaba. Hadhawna aanad Saxaafadda ku canaanan karin.

Haddaba waxa lagaaga fadhiyaa ma aha digniino aad bixiso ee waxa kuu banaan in aad beeniso wixii aan jirin ee saxaafaddu qorto oo aad bayaamiso waxay runtu tahay. Erayada aad adeegsan karto marka aad doonayso in aad saxaafadda toosiso waxa ka mid ah: “ Waxa habboonayd, runtu waxay tahay, waxa wanaagsan, ilama habboona, way fiicnaan lahayd, waxan talo ku bixin lahaa iwm…”. Markaa digniin maya.

Waxa kale oo aad saxaafadda uga DIGTAY in ay ka fogaato ka hadalka amuuraha Diinta iyo Qabiilka. Waxase hubaal ah in aanay saxaafaddu abuurin muranka diinta iyo hadal haynta qabiilka midna. Saxaafaddu waa dhuunmareen (medium) oo wixii dhaca ayuun bay werisaa. Qabyaaladda waxa baabi’isa caddaalad. Haddii ay xukuumadda jirtaa caddaalada baahiso qabyaaladda hadalhaynteedu wuu iska baaba’aa, laakiin ha ka hadlina kuma aasanto. Waxad ogsoon tahay in Diktaatoorkii Siyaad Barre uu yidhi qabyaaladdii waan aasnay ee qofna yaanu ku hadlin isaguna uu hoosta (Gosha)ku haystay. Markaa arrintiisu waxay ahayd aniga ayuun bay ii banaan tahay in aan ku shaqaysto qabiilka. Haddaba markaad amrayso saxaafadda in aanay qabyaalad ka hadlin miyaad illowday in ay saxaafaddu tahay ta looga baahan yahay in ay iftiimiso qaladaadka xukuumadda ee qabiilku ka mid noqon karo. Wuxu hadalkaagu u egyahay in aad leedahay indhaha naga weeciya(Laliya) waxbaan laaqanaynaaye. Ogsoonow saxaafaddu haddii ay u muuqan weydo qabyaalad xukuumaddu waddo wax aan jirin qori mayso.

Arrinta diinta waa laga hadli haddii xukuumaddu soo kala dhex gasho dadka iyo ilaahay. Dadkeenu Muslim buu ahaa 14 qarni iyo ka badan. Markaa haddii Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu fidmo abuuro oo uu yidhaahdo wixii aad soo caabudayseen aniga hortay waa waxba kama jiraan ee anigaa dariiqa toosan idinku ridaya saxaafaddu xaq bay u leedahay in ay dadka weydiiso in ay raalli ka yihiin iyo in kale. Xaq bay u leedahay in ay farta ku fiiqdo in diin waageeni ahi ina soo gashay, xaq bay u leedahay in ay sidii dacawga ka daba cido ciddii ummadda soofdaran habaabinaysa. Haddii aad doonayso in aad sida gorayada madaxa aasato saxaafadda waxa ku waajib ah in ay dadka tusto in qarqarka dambe uuni ku muuqdo oo uu maduxu ku aasan yahay.

Hadalkaagu wuxu u egyahay in saxaafaddu damaqday boogo aad doonayso in ay qarsoonaato ama ajandha aad soo wadateen oo aydaan doonayn in dadku ogaado. Haddiise ay kaa daacad tahay waxa fiicnaan lahayd in aad faahfaahin ka bixiso hadalada laga argagaxay ee fidna diineedka inagu abuuri kara ee ka soo yeedhay wadaadka aad arrimaha diinta u dhiibteen. Mase illoobay wadaadku in Idaacaddu hoos timaaddo Wasiirka Warfaafinta oo aanu isagu shuqul ku lahayn. Miyuuse illoobay in dalka xornimo ka jirto oo aanu cidna ku dirqiyi Karin bucsharad uu dibadda kala yimid.

Ogsoonow Cukusoow saxaafaddu aamusi mayso weliba waxa u dambaysa in ay badka soo dhigto halka wadaadku ka damqanayo iyo cidda uu gacan hoosaadka la leeyahay. Haddaba inta aad saxaafadda u dig iyo damlaynayso bal horta xukuumadda aad Afhayeenka u tahay bar sida wax walba magaciisa loo yidhaahdo adiguna iska bilow, had iyo jeerna xusuuso in saxaafaddu mabda’eegu yahay: “wax la qariyo qudhun baa ku jiro.”.

Maqaalkan waxa lagu nashriyey baraha Internetka Somaalida 18 August 2010.

1 comment:

  1. Many thanks for your article. From Ottawa Canada, I appreciate the way you share your experiences and advice

    Young Somalis- wherever they are need positive messages from their elders.
    Your article rejuvenated my love for my people and mother land.
    It seems we (young Somalis) don’t have the capacity to be innovative or creative yet. On one hand we are dealing integration and transitional issues (e.g. escaping poverty+++ in our adopted homes/countries) and other hand from self imposed frustrations.

    Writings/advice like yours could awaken us (the young Somalis). We need more of it!

    Thank you.

    Happy New Year! & may Allah guide our people to the right path. Amiin.

    ReplyDelete